Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland iyo wafti Balaadhan Oo Uu hogaaminayo ayaa u anbabaxay Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Waftiga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ay xubno ka ahaayeen Wasiiro iyo siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee taladda haya ayaa ujeedadoodu ay tahay sidii ay uga qayb geli lahaayeen xaflad lagu dhagax dhigay dhismaha cusub ee Dekeda Labaad ee Berbera laga hir gelinayo.

 

Dhismaha Dekedan Cusub oo ay bilaabayso Shirkadda DP World ayaa markii hore la sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ka qayb geli doono, hasayeeshee mar danbe ayay wax isbedeleen oo lagu war helay in uu madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ka qayb galayo.

Dekeda Labaad ee ay hir gelinayso Shirkadda Dp World ayaa ku jirtay qorshaha heshiiskii u dhaxeeyay Somaliland iyo Dp World.