Arbaca ,17.Oct.2012,Mogdisho (Waxsansheegnews) Baarlamaanka Dalka Somaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen waxa ay ku Ansixiyeen raysal Wasaaraha cusub ee dalkaasi  Dhawaan la magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid

Hadaba Fadhigan Ama Kulankan Maanta  Oo ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dalkaasi Somaliya oo ay ka soo xaadireen 215 xildhibaan ayaa Waxa ay ku Ansixiyeen cod kalsooni leh Raysal Wasaaraha Cusub Ee Dalkaasi Uu Dhawaan u Soo Magacaabay Madaxweynaha ay baarlamaankani doorteen Xasan Sh. Maxamuud, iyaga oo 215 xildhibaanba ansixintiisa u codeeyey oo Aanay jirin cid diiday iyo cid ka Aamustay toona.Isku Soo Wada Duuboo Madaashan Maanta Oo Noqotay Mid uu ku Guulaystay Raysal Wasaaraha cusub Cabdi Farax shirdoon Mr Saacid,

Raysal Wasaaraha Cusub ee Somaliya ayaa laga sugayaa in uu soo dhiso Wasiiradii  dhaqaajin lahayd hawlaha kala duwan ee dawladdooda u yaala.

 

Mogdisho waxsansheegnews