Wasiirka wasaaradda caddaaladda JSL Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye oo uu wahelinayo agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda Md. Xuseen Maxamed Maxamud ayaa manta kulan balaadhan kula qaatay safiir kuxigeenka cusub ee wadanka u Holland u fadhiya wadamada Somaliland iyo Somaliland Mr. Mr. Roelaf HavemanUjeedada kullankan ayaa ahayd Isbarasho iyo sidii wadanka Holland uu wadanka Somaliland uga caawin lahaaa dhinacyada horumairnta adeega caddaaladda, dib u habaynta iyo casriyeynta xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan xarumaha dhaqan celinta carruurta sharciga khilaafta.
Ugu horayn wasiirka wasaaradda caddaaaladda JSL Eng Cabdiqani Maxamud Cateeye wuxu safiir kuxigeenka cusub uga mahadnaqay boqashadan uu saaka ugu yimid xafiiskiisa wuxuuna ka shekeeyey xidhiidhka qotada dheer ee ka dhaxeeya 

wadamada Somaliland iyo Holland.Dhankiisana safiir kuxigeenka wadanka Holland u fadhiya wadamada Somaliland iyo Somalia Mr. Roelaf Haveman ayaa wasiirka uga mahadnaqay sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyey xafiiskiisa wuxuuna xusay inay booqashadani tahay tii ugu horeysay ee ku yimaado Somaliland tan iyo magacaabistisa loogu magacaabay safiir kuxigeenka uuna aad ugu faraxsanyahay inuu manta joogo somaliland wuxuna sheegay inuu ka shaqayn doono sidii xidhiidhka labada wadan uu usii xoojin lahaa, gaar ahaana uu wasaaradda caddaaladda JSL ay Holland ugala shaqayn doonto dhinacayada helitaanka adeeg caddaaladded (Access to justice) iyo doorka sharciga (role of law)