Magaalada Ceel Afweyn ee gobalka Sanaag ayaa waxaa gaadhey ergooyin uu hogaaminaayo Garaad Jaamac Garaad Ismaciil , waxaana uu sheegay in ujeedka uu Ceel Afweyn madax dhaqameedkoodu u yimaadeen uu yahay dhex dhexaadinta beelihii halkaas ku dagaalamay isaga oo reer Ceel Afweyna Kula Dardaarmay inay nabad gelyada si shuruud la,aan ah u qataan

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Waxa Uu Ku Dheeraaday Qiimaha Ay Nabad Gelyadu Leedahay.Waxaanu Beelaha Walaalaha Ah Usoo Jeediyey Inay Soo Fadhiistaan Shirkaasi Lagu Turxaan Saaraayo,Isla Markaana Ay U Hogaansamaan Ergooyinka U Fadhiya Xal U Helida Hawshaasi