Musuqa Shaqaalaha Iyo Maamulka Madhalayska Ah’ Ee Sharmaake Geelle,Rajo La,aanta Dhalinyarada Ee Kasoo Raynta Lahayn.W/Q: Aqoonyahan Fadxi Garaad ciise Uk

,
1: Waa kuma sharmaake Geelle sidoo kalewaa maxaya heerkiisa Aqooneed Sharmaake Axmed Muxumed Geelle waa gudoomiyaha haayada shaqaalaha
dawlada. sidoo kale wiil dhalinyaro ah isla markaasina khalisay jaamacad heerka 1aad sanadii 2011-kii gaar ahaan jaamacad boorama ee camuud.

2: Sidee Ku helay ama ku hantay shaqadan gudoomiyaha haayada shaqaalaha dowlada. sharmaarke waxa uu fursad shaqo nasiibku ka halabsiiyey xukuumadii hore ee Axmed siilaanyo isagoo ahaa xoghayihii Ex Wasiirkii madaxtooyada xirsi cali xassan, muddo markii uu hayey shaqadaas ayaa waxaa xilka wasiirnimo loo magacaabay kana mid noqday golaha wasiiradawasiirkii hore ee duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi, oo ahaa shakhsi jecel dadka ka daba guul wadeeya iyo inuu yeesho basaasiin khaasa oo isaga usoo gudbisa siraha madaxda kale ama xafiisyada kale ee dawlada. sharmaarke geelle iyo wasiir maxamuud xaashi oo ku cusbaa xilka iyo xukuumadabaayaa ay dhexmartay wada shaqayn, taasoo oo uu sharmaarke geelle xogaha, siraha, iyo axwaasha khaaska ah ee wasiir xirsi usoo gubin jirey. maadaama labadan wasiir ee isku
degelka deegaanka iyo ab-wadaagtaba ah, ayka dhaxaysay hardan iyo xifaaltan dhanka siyaasada ah. geelle ayaa ahaa shakhsigii xogaha iyo siraha u kala qaadi jirey xafiisyada labadaasi masuul. xaal wuxuu halkaa joogaba xirsi cali xasan ayaa ka degay jagadii ahayd wasiirka madaxtooyada, waxaana isla markiiba madaxweynuhu xilkaa u magacaabay, maxamuud xaashi, kadib qabadashadii iyo hanashadii xilkaa, waxaa lagu abaaliyey ama abaal looga dhigey sharmaarke geelle Xoghaya golaha wasiirada, 14/12/2015. isagoo si fiican oo hagar la’aan ah uga soo baxay hawshii basaasnimo ee uu u hayeye maxamuud xaashi, sidaa awgeed ayaa loogu magaacabay Gud: Haayada Shaqaalaha Dawlada.
3: Magacaabistii Xilkaa Kadib Maxaa Dhacay
kadib magacaabistii xilka gudoomiye nimo ee haayada shaqaalaha dowlada
sharmaake geelle, waxaa rajo iyo ididiilo nololeed soo gashay dhamaan
dhalinyarada aqoonyahanka ah isla markaasna ku sugan soohdinta camal
la’aanta ahee Somaliland.maadaama haayadii shaqaalaha dawlada gacanta
loo geliyey shakhsi dhalinyaro ah, waxaanay dhalinyarada somaliland deymada
wiyisha ku milicsanayeen halka uu ka bilaabo hawsha, iyo isbedelka cusub ee
uu keeno. itnaas kadib sharkmaake waxa uu la fal galay warbaahinta waxaanu
bilaabay dardar aftahanimo iyo afgobaadleyn, isagoo dedaal dheer u galay
hanashada quluubta shacabka isagoo media ha ka yidhaahda hadalo turxaan
la’aan ah, isla markaana macaan oo bedeli kara dareenka qofka, waxaana
kamid ah halku dhigyadiisa hirgalay ee mala-awaalka ah isla markaasna uu ku
lab kacayiyey dhalinyarada dalka:
> sarrayn aan sinji lahayn
> qalin aan qabiil lahayn
> caddaalad aan ciil lahayn
hayeeshee xaqiiqadiisa ayaa ah shakhsi xajiin ku reebay dareenkii
dhalinyarada iyo ididiiladii soo gashay magacaabsitiisa kadib, sidoo kale waa
khabiir dhanka qabyaalada ah waxaanu garab iyo gar’ba la garab istaagay
beesha uu ka takfiiranyahay waana qoqobaa qabyaalada la halmaala.
4: Caddaalad Darrada sharmaake Geelle iyo cadaymo la xidhiidha.
sharmaarke geelle bishii may ee sanadkii tagey 2017-kii waxa uu shaaciyeyin
30 shaqaale ah u baahantahay haayada dawladu, isla markaana si caddaalad
ah ugu kala bixi doonaan imtixaan, sharmaake si uu indhaha uga shareero
bulshada waxa uu ku dhawaaqay inuu ku qaban doono imtixaanka gobgolka

sool waxaana daymada shabeelka ku milicsaday kuna farxay boqolaal ka mida
dhalinyarada ku sugan soohdinta shaqo la’aanta ee jaamacadaha ka qalin
jabisey,iyadoo ay galeen imtixaankii macalimiinta imtixaanka gashayna
sodonka quraanka baalaha ku fureen (dhaarteen). kadib waxaa dhacday iney
shaqaalahaasi qaar cabashooyin muujiyeen, carrabaabeena inaanu imtixaan
kaasi caddaalad ahayn.
intaas kadib taariikhdu markay ahayd 19/8/2017-kii waxa uu markale
sharmaake shaaciyey in 30 qof imtixaan caddaalad ah ku kala saarayaan
islamarkaasna ka hawl geli doonaan wasaarada dalxiiska somaliland
imtixaankii ayaa si dedega u qabatay haayada shaqaalaha dawlada, isla
markaasna waxaa imtixaankii lagu dhex daray shakhsiyaad uu sharmaake iyo
wasiirka dalxiisku ay wataan iyadoo arinku ahaa indho sarcaad iyo majaro
habaabin loo geystay dadka laabta xaadhan ee somaliland. waxaana soo
baxay shakhsiyaadkii ay wateen sharmaake iyo wasiirku , waxaana halkaas
lagula kacay caddaalad darro, tacaddi, iyo takri-fal dhamaan dhalinyaradii ka
kala timid gobolada somaliland.
5: Fashilkii sharmaake ee labadiisa weji lagu yaqiinsaday:
sharmaake geelle intaas kadib waxaa in badan oo shacabka somaliland ahi
xaqiiqsadeen inuu yahay laba wejiile waxaana kala fog wejiga uu warbaahinta
lasoo hor istaago ee ah wanaag muujinta iyo shaksiyad dad jacayl iyo
caddaaladi ka muuqato.
wejiga labaad oo ah inuu yahay shakhsi yaqaan qabyaalada, qabweynaanta,
una taagan quusta iyo niyad jabka dhalinyarada,
hadaba madaxweynaha wakhtigan gacanta ku haya talada dalkaMD Muuse
Biixi ayaan waxaan ka codsanayaaanoo ku hadlaya Afka dhalinyarada
Somaliland sharmaarke geelle inuuka qabto dadka iyo dalka, khaasatan
dhalinyarada ay ragaadisay shaqo la’aanta baahsan. hadii kale waxaa suuro
gal noqonaysa in dhalinyarada oo ah cududda dal ku naaloodo,ay
noloshoodamarti uga noqon doonaan dawladaha shisheeye iyo kuwa jaarkaba.
Ileen(Nin Sed Gaaban Iyo Awrkuba, Wey Sibiq Dhaqaaqaane, Labadaba
Hadaan Seeto Celineyen Wey Sibiq Dhaqaaqaane). Waxaana dhacaysa
tahriib iyo dal ka qax dhalinyaro, iyagoo u badheedhaya mahlakada, rafaadka,
raxanraadka, iyo duruufaha, adag ee nololeed, isla markaasna intay jidka ku
jiraan ay la kulmayaan sida, geeri dhaawacyo jidheed iyo maskaxeed,
curyaamin dhaqaale,mahlakada saxaraha iyo sidoo kale badda.
6: Hadaba Waa Sidee Hawshan Cusub ee uu Ku diwaan Gelinayo
Shaqaalaha Dawlada ee dhamaan gobolada dalka.
haayada shaqaalaha dawlada waxaa hoos yimaada guud ahaan shaqaalaha
ka hawl-gala laamaha wasaaradaha dalka iyo shaqqlaha kalee dawlada, marka
marka laga reebo shaqaalaha dawlada hoose iyo Laanta amaanka
(Ciidamada). sharmaarke Geelle ayaa waxaa looga bartay ku dhawaaqid ama
shaacin uu media ka shaaciyo inuu shaqo hufan u qabanayo qaranka dadkuna
ka faa’iidaystaan, hayeeshee waxaa dib laga ogaaday inay hawshu tahay mid
dano shakhsiyadeed oo gaara uu ku wato sharmaarke geelle tahayna shaqo
gacan rimis ah, isla markaana uu wadada u xaadhayo cid gaara oo uu isagu
wato
shaqadan uu hadda ku tiro koobayo shaqaalaha dawlada dhamaantood, ee ka
hawl gobolada gedaha weyn ee Somaliland.waxay la ogsoonyhay lagana
dheregsanyhay inay la mid tahay hawlihii hore ee uu ku dhaqaaqay sidoo
kalena dhicisoobey. noqdayna (Hal Bacaad Lagu Lisay) ee uu uga

faaiideeyay dadka gaarka ah. ee uu watay.
waxaa sidoo kale mudooyinka dambe intii ay curatay xukuumadan cusubi
seefta galka kasaartay oo shaqo caydhin baaxadleh ku sameeyey qaar kamida
shaqaalaha dalka . hadaba guud ahaan hawshan uu hada faraha kula jiro ayaa
ee ah shaqaalaha tirokoobkooda ayaa loo aanaynayaa in uu wato dano gaara
isla markaasna uu uga gol leeyahay shaqo caydhin.
maan qorin qoraal been abuur ah iyo takri-fal aan u geystay sharafta iyo
shakhsiyada sharaamke ee waa xaqiiqo (Doqoni Garatay Ah)

W/Q: Aqoonyahan Fadxi Garaad ciise Uk

sharmaake_geelle1-1