Is Xisaabi Intaan Lagu Xisaabin—-Qofwayn Oo Ilaahay Karameeyay Oo Cunaaya Cabaaya Caafimaad Qaba Oo Aan Cibaadaysanaynin Oo Ilaahay Xusaynin- Maxaa Lagu Tilmaami Kara???

TUSAALAHA TODOBAADKAN WAXSANSHEEG NEWS.

Waxsansheeg News)-Ilaahay Waxa Uu Quraankiisa Ku Yidhi Suuratul Daariyaad Wamaa Khalaqtu Jina Wal,Insi Ilaa Layacbudulaah, waxaanu U Abuurnay Jinka Iyo Insigaba Inay I caabudfaan SWT

Waxa xaqiiqa Inay Tasbiixsadaan Dhirta Dhagaxa Xayawaanka Bada Iyo bariguba Miyaanay Ayaan daro Ahayn Markaad Aragto Qof Muslima Oo Diinta Ku Dhashay oo garaanay Waajiibadka Laga rabo oo Hadana Is Ilaaway Ilaahay Xuskiisa Ka Tagay Cibaadadii Katagay Oo Cunaaya cabaaya Caafimaad Qaba Oo Seexanaaya Soona Toosaaya Subxaannallah, Hadu Xanuusadona Ilaahay Baryaaya Waa Yaab Iyo Amankaag Dameerka Ayaa Dhaama waabu tasbiixsadaaye, Ilaahay Hadaad Jeclaato Wuu Ku Jeclaanaya Baryadaadana Wu Aqbalaya hadaad Ilawdo Ilaahay Kuuma Baahan Ee ogow Ada U Baahan Hadaba Ogow Markaad Dhimato waxa Ugu Horeeya Ee Lagu waydiinaya waa salaada Iyo Cibaadad , Waar Hooy Intaad Aduunyo Mashquul Ku tahay Gurigaaga rasmiga Ahi waa Xabaasha Iyo Aakhiro Ee Civ\baadayso Sadaqada Baxso Soonka Ilaali Sakada Bixi Xuska Ilaahayna Badi Ilaahay Inta Halawsan Hasoo hadeeye Aamiin.

Wabilaahi Tawfiiq

Waraqabadka Waxsansheeg News

Info@waxsansheeg.com

salaada