“Somaliland Beenta, Boobka Iyo Khiyaanada Siyaasigu Waa Darajo Oo Waliba Waxa U Ku Haystaa Intaaba Qaar Ku Difaaca” Cabdikarriim Axmed Mooge
Siyaasigga Cabdikarriim Axmed Mooge,ayaa tilmaamay dhibaatadda haysata Siyaasigga Afrikaanka ah,kaas oo uu ku sheegay inuu yahay mid aan Mabda’ lahayn,isla-markaasna aan ka sariigan Boobka iyo dhaca hantidda dadweynaha ee uu masuulka ka yahay,iyadda oo ay waliba jiraan dad taageeerayaal u ah oo tallaabooyinkaas dhiig-baxa ah ku taageeraya.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo soo saaray,waxaana uu u dhignaa sida tan; Siyaasiga Afrika ilayn damiirka dhintee si kasta oo beentiisa iyo boobkiisa shacabku u arkaan ma tago/isma-casilo halka ummadaha kale ee aduunka xitaa marka siyaasiga u ka dhaco qalad-yar oo xitaa uga dhacay si aanu u badheedhin uu ummada amaanada u celiyo, raali galiyo siyaasadana danihiisa ka raacdo!
Somaliland beenta, boobka iyo khiyaanada siyaasigu waa darajo oo waliba waxa u ku haystaa intaaba qaar ku difaaca waayo ” IN AAD SIYAASIGA ISKU QOLO/QABIIL TIHIIN WAXA AY KU FARAYSAA IN AANAD ARAG XUMAANTA SIYAASIGA AAD ISKU QOLODA TIHIIN KUWA SHEEGA XUMAANTIISANA WAA IN AAD KA DIFAACDA”
Waa sida uu dhigaayo xeerka#1 ee qabyaalada iyo siyaasada”.
Cabdikarriim Axmed Mooge Liibaan

c,kariim ahmed mooge