Hadal Haynta Xubnihi Ugu Cuslaa Oo Tusbaxa Furtay Ee Waddani Ka Soo Dadan Dona + Labada Bubaa Kebaa Bananka U Baxaya? Marwo Fadumo Sicid Iyo Musdanbedka Maxaa Kala Haysta.

“Bishan saaka bilowga ah badhtankeeda waxa la galayaa Ololihii rasmiga ahaa ee sadexda xisbi qaran u dhaxeeyey oo mid kastaaba shacabka u soo bandhigayo barnaamijka uu doonayo in lagu doorto oo uu kursiga ku fuulo waxaana taasi garab socda duruufo iyo xaalado siyaasadeed. Xogihii ugu danbeeyey ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani waxa markale Oodda jabsan doona siyaasiyiin miisaan culus oo isku garan waayey siyaasadda reerka ku heeryeysan isla markaana ku biiraya labada xisbi mid ka mid ah.
Faadumo Siciid inta badan waxa la qariyaa ama caad la saaraa khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya iyada iyo Musdanbeedka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani inkasa oo marar badan khilaafkaasi hoos loo dhigay hadana waxa guuxaya is­casilaada iyada iyo xubno kale banaanka uga baxayaan xisbiga Waddani. Wararka qaar ayaa sheegaya in Faadumo Siciid ku noqonayso xisbigeedii Ucid oo ay hore uga tirsanaan jirtay siyaasadiisuna ay si wayn isku bedeshay.

fx