Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi la socda ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , iyagoona kusii jeeda magaalada New York ee Dalka Mareykanka.

Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada New York uga qeyb galaya fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu ku matali doonaa Shirkaasi Dowlada Soomaaliya.

Masuuliyiin katirsan Xukuumada Soomaaliya iyo Madax kale ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kasii sagootiyay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wafdiga la socda ee kusii jeeda dalka Mareykanka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in magaalada New York kula kulmo qaar kamid ah Madaxda caalamka ee ka qeyb galaya Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay.

Shirkan ka dhacaya magaalada New York ayaa la filayay in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa kulankan ka baaqsaday, iyadoona Shirkan Soomaaliya ku matali doono R/Wasaare Kheyre.

khayre2