MAQAAR-SAAR: Gabay Cusub Oo Ka Hadlaya Xasuuqa Muslimiinta Burma
Gabayga Maqaar-saar waa gabay cusub oo ka hadlaya xasuuqa ba’an ee lagu hayo Muslimiinta dalka Burma, iyo siday dhacdadan uga aamusanyihiin madaxda muslimiintu marka laga reebo, madaxwaynaha turkiga, Rajab Dayib Ordugaan, gabaygana waxa tiriyay Abwaan Cabdiraxmaan Xiirey. Gabayguna wuxu soo baxay 12/9/2017, wuxuuna ku bilaabmayaa;
Adduunyada caddaan iyo madoow maanta waxa jooga

Maqal iyo intaan arag mugsaday anigu maankayga

Muslimiinta miisaan markaan saaray madaxdooda

Maqaar-saar intii kale noqdiyo sida mayeedhaane

Ummaddooda uma muujiyaan hiil ciddii mudane

Anoon toyan musiibiyo dhib hore looga murugooday

Berma weeye maraggaan hayaa mahadhadaa taalle

Muusannowga maatada la gubay maydka tiro beelay

Dadku sida murmurihii kufrigu muqumadaynaayo

Ee miciin walaaluhu taraan magane doonaaya

Manfac kalaba daa hadalna way kaga masuugeene!

Haddii aanay meeshooda gabin kama muquurteene

Ragna bowdadoo qaawan muday midiba jeerkiiye

Inla midha midhaystaa dhacdoon cidi u muusoone

Muslimiinta ficilkooda guud mooji suu yahaye

Mooraalka shacab kii ka dile madaxda joogtaaye

Ordugaan’se waa geesi mudan waliba miiggoone

Wax munaasibkiisi’i si fudud ugama meeraane

Maalkiyo afkana wuu huraa maalintii darane

Masaakiin rag laayey shihiid magac ku siiyaane

Isagaa mujaahida haddaan lagu murmayn beene

Madi buu hoggaankana ku yahay cidi mataanayne

Allow raaji madaxiisa uu mahad ku noolaado

Muslim kana dhibaatada ka bixi maalik baad tahaye.

Aamiin, aamiin, aamiin.
Cabdiraxmaan Xiiray

MAQAAR