Siilaanyo

Hargeysa(Waxsansheeg) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa ka hadlay doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa,waxaanuu ku taliyey in doorashadu ay ku dhacdo si nabadgaliyo ah oo cadaaladd waafaqsan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u waramay Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha,qiimaha ay nabadgaliyadu leedahay iyo dagaal beeleedyo ka dhacay qaar kamid ah deegaanada gobolada Bari, waxaana uu ugu horeyn uu yidhi.

“Hadii la rabo in horumar la sameeyo ,hadii la rabo nolol,hadii la rabo in dalka dimuqraadiyadiisu horumarto waa in xasiloonida iyo nabadgaliyada la ilaaliyaa,hadii aynaan ilaashanna wax inoo shaqaynayaa ma jiraan,wax walba way inaga fadhiisanayaan oo wax inoo hagaagayaa ma jiraan,gaar ahaan gobolada bari inay nabadgaliyada adkeeyaan oo ay bartaan wada noolaanshaha”.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mar uu ka hadlayay dagaalada dhex maray beelaha qaar ayaa yidhi.

“Iminka Ceel-afwayn wax dhib ah oo ka jirtaa ma jirto,waan-waantii ayaa la wadaa,Insha allah xalka ugu wanaagsan baa la isla qaadanayaa,balse meel ka shisheysa oo la yidhaahdo Dhoobo-guduud ayay dhibaato ka taagan tahay oo laba reer ayaa isku laayay oo ilaa Saddex qof baa ku dhintay,xaaladda Buuhoodlena iminka way dagan tahay,odayaal meelo kala duwan kasoo gurmaday ayaa kala dhex galay oo labdii reer iskugu yeedhay,markaas dawlad ahaan cidna ka yeeli mayno inay nabadgaliyada dalka khal-khal galiso,cid walba oo nabadda wax yeelanaysa gacan bir ah ayaanu ku qabanaynaa,ee colaaddu wax faa’ido ah oo ay leedahay ma jirto ee nabadda qof walba halkiisa haku ilaaliyo”.

Wasiir Faratoon ayaa mar uu ka hadlayay doorashada Madaxtooyada ee soo socota ayaa waxa uu yidhi

“Doorashada soo socotaa waa inay inoogu dhacdaa si nabadgaliyo iyo cadaalad ah,waxayna doorashadu inoogu dhici doontaa si fiican wayna inoogu dhici doontaa”.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa mar uu ka hadlayay xaaladda caafimaad ee madaxwayne Siilaanyo oo ku sugan Imaaraadka Carabta waxa uu yidhi

“Madaxwaynaha caafimaadkiisu wuu wanaagsan yahay ,qaliin yar oo aad u fudud ayuu galay,aad iyo aadna wuu u wanaagsan yahay,Insha allah dib ayuu inoogu soo noqon doonaa”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Faratoon.

Geeska