Hargeysa(Waxsansheeg) “Sababtay Doonto Ha Noqotee Kaladambayntii iyo Nidaamkii Dawladnimo Jileec Baa Galay Waan Hubaa Inuu Muuse Sharciga Ku Adkaan Doono” Cabdikariin Xinif.

hhhhhffff

Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee komishanka xakamaynta Aids-ka Cabdirkariin Axmed Xinif ayaa sheegay in xukuumadoodu ay lumisay hanaankii iyo kala dambayntii dawladnimada.

Cabdikariin Xinif oo ka hadlayay madal uu fadhiyey Guddoomiye Muuse Biixi oo lagu soo dhawaynayay taageerayaal reer Burco ah ayaa sheegay in kala dambayntii iyo nidaamkii dawladnimadu hoos u dhacay inkastoo aanu sababta sheegin, balse waxa uu tilmaamay inuu Muuse Biixi soo celin doono nidaamka dawladnimada, isagoo arrinkaas ka hadlaya ayuu Cabdikariin Xinif yidhi:

“Kala dambayntii iyo nidaamkii dawladnimo waxa galay jileec baa galay, sababtu waxay doonto ha noqoto, waa la hubaa oo waa xaqiiqo, waan hubaa inuu (Muuse Biixi) nidaamka iyo sharciga ku adkaan doono oo fulin doono oo aan habacsanaani jirayn anigaa hubaa”.

Masuulkani sidaanu idiin sheegnay waxa uu ka tirsan yahay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo, waxaana uu caddeeyey in sharcigii iyo dawladnimadii lagu tuntay, isla markaana waxaa uu ku ololaynayaa in Muuse Biixi soo celin doono kala dambayntii sharciga ee xukuumadda Siilaanyo ku tumatay.