Mo Farax Oo Shaaciyey Magac Cusub Oo Uu Rabo In Loogu Yeedho.

Orodyahanka caalamiga ah ee u orda dalka Britain asalkiisuna yahay reer Somaliland
Mo Farah ayaa sheegay inuu doonayo in hadda laga bilaabo loogu yeerdho Maxamed Faarax.

Maxamed Faarax ayaa warkan ku dhowaaqay kahor tartan Maaratoon ah uu dhowaan galayo,waxana uu ku guuleystay bilad dahab ah iyo mid qalin ah tartanka orodka caalamka ee ka dhacay magaalada London.

“Magaca aan ku ordi doono waa Maxamed,”ayuu yidhi. “Waxa ay ila tahay in magacii Mo uu waqtigiisii dhamaaday.”ayuu yidhi Maxamed Faarax.

 

Farax waa uu urursaday bilado dahab ah oo gaadhay 15 intii uu ku guda jirey ciyaaraha isagoo ku guuleystey tartanka orodada dhaadheer ee 5,000 iyo 10,000.

Hase yeeshee Maxamed Farah ayaa ku eedeeyay saxaafada inay doonayaan in ay dilaan guulaha uu gaadhay iyo sumcadiisaba iyagoo la xidhiidhinaya tababarihiisa Alberto Salazar.

mo faarax