thumb

Muqdisho(Waxsansheeg) Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad qaas ah oo magaalasda Xudur kasoo qaaday Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Afhayeenkii hore ee kooxda Al Shabaab.

Abuu Mansuur iyo xubna la socda ay ku jiraan Masuuliiin iyo saraakiil katirsan dowlada ayaa soo gaaray garoonka Aadan Cadde, waxaana si wen loo adkeeyay amaanka garoonka iyadoona dadka rayidka ah laga ilaaliyay in ay arkaan diyaarada keentay Abuu Mansuur.

Sida aan Wararka ku heleyno Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa markii garoonka laga soo dejiyay waxaa si gaar ah ula wareega Saraakiil Cadaan ah oo la sheegay in ay kasoo jeedaan dalka Mareykanka.

Abuu Mansuur aaana hada lagu hayaa qeybo kamid ah garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan xero ku dhax taala ay degan yihiin Saraakiil cadaan ah, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya.

Abu Mansuur iyo ciidamo la socday ayaa isku dhiibay maanta ciidamada dowlada Soomaaliya ka dib markii weeraro xooggan ay shabaabku ku soo qaadeen degaanka Abal oo fariisin u aheyd wadaadka iyo ciidamo ilaalo aheyd.