Xafladdii Daahfurka Kaadh Qaybinta Gobolada Sool Iyo Sanaag Oo Goor Dhaw Ka Dhacaysa Magaalada Laascaanood.

Xafladii daahfurka qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha gobolada Sanaag iyo Sool ayaa goor dhaw waxay ka dhacaysaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo loo qoondeeyey in lagu qabtay xafladda daahfurka.

Waxaana magaalada Laascaanood ku sugan gudoomiyayaasha ahna murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran ee WADDANI,UCID iyo KULMIYE,iyaga oo halkaasina ay goor dhaw ka dhici doonto xafladaasi,waxaana magaalada Laascaanood lagu so dhaweeyey murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran,iyaga oo xalayna halkaasi u dhaxay oo seexday.
Gobolada Sanaag iyo Sool ayaa waxay yihiin labadii gobol ee ugu danbeeyey ee laga qaybiyo kaadhadhka codbixiyayaasha,iyaga oo si rasmi ahna ay kaadh qaybinta labadaasi gobol uga bilaabmi doonta 12.8.2017 oo ah maalinka Sabtida ee fooda inagu soo haysa.iyaga oo maalinka Bari ahna guddiga Komishanku ay kala diri doonaan shaqaalihii iyo gaadiidkii ka hawl galayay goobahaasi gobolada Sanaag iyo Sool.

Komishanka-Doorashooyinka-cusub (1)