Koonfurta Kuuriya Oo Kuuriyada Waqooyi Ka Dalbatay Wadahadalo Inay KLa Furaan

Waxsansheeg News:—–Dawladda Kuuriyada Koofureed ayaa soo jeedisay wada hadalladii milatari ee ugu horreeyay ee ay la yeelaneyso Kuuriyada Waqooyi tan iyo sanadkii 2015, kaddib gantaalladii is daba joogga ahaa ee ay Kuuriyada Waqooyi dhowaan tijaabisay.
Madaxweynaha Kuuriyada Koofureed Moon Jae-in oo talada dalkaasi qabtay bishii May ee sanadkan ayaa sheegay dhowaan isagoo ku sugnaa magaalada Berlin in wada xaajood lala galo Kuuriyada Waqooyi ay aad muhiim u tahay haatan, si xukuumadda Pyongyang loogu qanciyo inay joojiso barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
Kuuriyada waqooyi oo ku hanjabtay inay sii wadeyso tijaabada gantaalada
Ciidamada Mareykanka ‘ma aysan aadin’ Kuuriyada Woqooyi
Kuuriyada Waqooyi: ‘CIA-daa maleegtay shirqool lagu dilayo Kim Jong-un’
Wada hadallada ayaa laga yaabaa inay bilowdaan Jimcaha soo socda ayna ka dhacaan goob milatariga ka caaggan. Wasiir ku xigeenka difaaca, Suh Choo-suk, ayaa sheegay in xukuumadda Seoul ayaa codsaneyso kulan labada Kuuriya ku dhex mara goob milatariga ka caaggan:
Suh Choo-Suk ayaa sheegay in codsi rasmi ah loo diray xukuumadda Pyongyang, wuxuu sheegay in ujeeddadu ay tahay yareynta howlgallada ka socda xadka kuwaas oo sababay xiisado milatari.

Detailed illustration of a isometric concept of corean crisis excalation EPS10 with color space in RGB. Where possible, the objects have been grouped to make it easily editable or hidden. This image has transparent forms under the ground, wind on ground and grid on background.

Detailed illustration of a isometric concept of corean crisis excalation
EPS10 with color space in RGB.
Where possible, the objects have been grouped to make it easily editable or hidden.
This image has transparent forms under the ground, wind on ground and grid on background.