tayyip-erdogan-13

(Waxsanshee)-Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa ugu baaqay wadamada reer Galbeedka inay kala doortaan inay Ixtiraamaan Shacabka Turkiga iyo inay la saftaan Argagixisada.

Nuxurka Khudbad Uu Rajab Dayib Ordogan Ka Jeediyay Munaasibad Lagu Xusayay Sannad-guuradii Koowaad Ee Inqilaabkii Fashilmay.

 

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa ugu baaqay wadamada reer Galbeedka inay kala doortaan inay Ixtiraamaan Shacabka Turkiga iyo inay la saftaan Argagixisada.


Madaxweynaha Turkiga oo sabtidii maanta waraysi siiyey Wargayska the Guardian ee Daka Britain ayaa ka hadlay munaasabada sanadguurada koowaad ee ka soo wareegtay markii la isku deyay in inqilaab lagu sameeyo xukuumadiisa 15 July 2016.
Ordogan waxa uu sheegay in aanay halkaa jirin sabab lagu khiyaameeyo saaxiibtinimada Turkiga, isla markaana aanay u qalmin iyadoo xidhiidh dhow la leh dalalka Reer Galbeedka.
‘Shacabka turkiga oo aan u kala hadhin ayaa difaacay qaranimadooda, dastuurkooda iyo dimuqraadiyadooda oo la isku deyay in la inqilaabo, oo dadkii rayidka ahaana rasaas lagu furay, dhismahii baarlamaankana dusha laga duqeeyey’ sidaa waxaa sheegay Madaxweyne Ordogan oo sidoo kale sheegay in shacabku dhiigooda ku difaaceen xoriyadooda ayna ku dhinteen 250 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2200 qof oo kale.
Madaxweynaha oo faahfaahiyey isbedelada dhinac kasta ah ee uu sameeyey xisbiga cadaalada iyo horumarintu mudadii uu talada dalka hayey ayaa waxa uu ku tilmaamay sidii looga guulaystay inqilaabka mid taariikhda geli doonta oo ay mustaqbalka ku dayan doonaan shucuubta jecel Dimuqraadiyadu.
khudbada Madaxweynaha oo dheerayd ayaa waxa uu ku dhaliilay Dalalka reer Galbeedka qaarkood inay weli wadamadooda ku hayaan dadkii ka dambeeyey Inqilaabkii lagaga horjeeday Dimuqraadiyada iyo xoriyada.