Dowlada Somalia oo mar kale Shaacisay Waqtiga laga yaabo in dib loo helo Adeega Internetka

Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa wali ka jira Internet la’aan baahsan kadib markii Fiilada Internet Viber Optic uu jaray Markab siday shixnad ganacsi kaa oo kusoo xirtay dekada magaalada Muqdisho.

Internet la’aanta jirta ayaa saameyn aad u balaaran ku yeelatay shaqooyin badan oo dalka ka jiray, waxaana shacabka ay ku jahwareereen cilada jirta iyo xiliga laga yaabo in cilada fiilada Internetka la xaliyo dibna u shaqo bilaabo.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur oo la hadlay Idaacad kutaala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabatay cilad bixinta Fiilada Internetka ee go’an, waxa uuma Tilmaamay in Markabkii sameyn lahaa Fiilada uu hada joogo halkii ay ka Go’aday ee u dhow Xeebta Xalane ee muqdisho.

Eng Canshuur Waxa uu sheegay in rajadu ay tahay mid wanasgan islamarkaana Gelinka dambe ee Maalinta Axada ah la soo gaba gabeyn doono Shaqada islamarkaana dadku ay si toos ah Maalinta Isniintaa h u istcimaali doonaan.

Inernetka ayaa ka maqan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya mudo sadex Isbuuc ah, waxaana Internet la’aanta jirta sheegtay dowlada in laga dhaxlay Khasaaro malaayiin dollar ah oo dalku faa’iidi jiray, Internet la’aanta ayaana saameyn weyn ku yeelatay shaqooyin badan oo Muhiim ahaa.

XigashoAlbanaadirCalanka-Soomaaliya