Baafin–XISBIGA WADANI Oo Ka Muuquurtay Maalinta Xoriyada 26Jun Iyo Munaasibado Ka Horeeyay–Fadeexada Ku Xeeran Iyo Faashilka Lafaqitaanka Farmaajo

Sida La wada Ogyahay Waxa Maalintii Isniinta Ku Beegnayd Maalinta Xoriyada Ay Somaliland Ka Qaadatay  Gumaystihii Ingiriiska 26-Jun-1960 Maalinta Oo Ah Maalin Taariikh Iyo Waaye gaara Xambaarasan Ayaa Laga Xusay Somaliland Iyado Fagaaraha Iyo Madaxtooyada Lagu Qabtay Xaflado Kala Duwan Xafladahaasi Oo Ay Kasoo Qayb Galeen Madaxda Xukumada Somaliland Xisbiga KULMIYE Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Iyo Shacabka Dhamaantood Iyado Dhamaanba Dalka Somaliland Gobol Ilaa Tuulo Degmo Laga wada Xusay Iyado Laga Sheekeyay Taaroiikhda 26-Jun-1960–Iyadoo La Kufay Lana Tuuray maalinta Hase Ahaatee Ay Tahay Mid Dhashay Waayo Aragnimo,

Hadaba Waxa Lays Waydiiyaya Halka Ay Qabteen Xisbiga WADANI Oo Laga Waayay Xafladaha Kala Duwan Ee Dalka Ka Dhacy Hargeysa Ilaa Gobolada Degmo Ilaa Tuulo–Madaxda Xisbiga WADANI Oo Aad Moodo Inay Dhuumasho Dhabarku Muuqdo Ku Maqanyihiin Iyagoo ka Muquurtay Munaasibadaha Muhiimka U Ah Qaranka Somaliland tana waxa ka Horaysay Oo Qurbaha Iyo Dalka Gudihiisab Laga Tabay 18 May Oo aanay Muujinin farxad Iyo taas Oo Ku Tusaysa Inay Khiyaamaynayaan Qaranka Iyadoo Shacbaka taageeraa Aanay Ka hadal Khiyaamada Xisbiga Wadani Ku Hayo JSL.

waxa kale Oo cad Inay Kasoo Horjeedan qaranimada Somaliland Lama Arag Iyaga Oo ka Hadlaaya Kana Hor Imanaaya Xukumada Fedaralka Soomaliya Oo Fidmooyin Ka Abuurta Xuduuda Puntland Iyo Somaliland waxaanad Arkaysa Gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Oo Ka Hadlaaya Una Jawaabaya madaxda Fedaralka Soomaliya Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo U Jawaabaya Halka aanay Waligeed Dhicin Lana Arag Xisbiga WADANI Oo U Jawaabay Taasina Waa Makhraati Madoon Waxyaabahay U Tageen Nairobi Iyo Faqii Farmaajo Iyo Balan Qaadayadii Lagu Minjo Xaabinaayay Somaliland Laakiin Ilaahay Iyo dadkiisa Ayaa Ilaaliya Somaliland

WALI DUNIDA LAMA ARAG DOQONIIMO MOOYEE CUDURAAN DAWO-LAHAYN–XIGMA ILAAHAY HA U NAXARIISTE ABWAAN GAARIYE.

wadani55