20

(Muqdisho) Maxkamadda Ciidamada qalabka ee dalka Somaliya ayaa saaka xukun dil ah ku riday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay Wasiirkii howlaha Guud iyo Guriyeynta Marxuum Cabaas Siraaji.Dhageysiga Kiiskan oo todobaadkii hore la soo gaba gabeeyay, markii maxkamaddu dhageysatay marqaatiyaasha iyo qirashada ninkan lagu helay dilka ayaa ugu dambeyn saaka riday xukunka.

Ninka xukunka dilka lagu fuliyay oo ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax, kaasoo xilkiisa ku waayay shilka lagu dilay wasiirka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka

Allaha u naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii May ee sanadkan, markii gaadhi uu saarnaa uu ku dhawaaday gaadhi kale oo la socday Hanti dhowrka Guud, waxaana rasaas ku furay Ilaalada saarnaa gaadhigaas oo marayay nawaaxiga Madaxtooyada.