afur

Hargeysa(Waxsansheeg)  Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud” Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Gadiidka Iyo Guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Cali Ayaa Galabta Magaalada Hargaysa Waxa Uu Afur Ugu Sameeyay Masuuliyiinta Maamulka Khaatumo Ee Wadda Hadalka Kula Jiray Somaliland.

Afurkan uu magaalada hargaysa ugu sameeyay waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamanka Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Arimaha Dibada Dr Sacad Cali Shire Ahna Guddoomiyaha Gudida Wada hadalka, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, Boqor Cismaan Buurmadaw, iyo Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.

Kulankan oo ay masuuliyiinta khaatumo goob joog ka ahaayeen ayaa dhamaan meel laysla wada dhigay sidii loo Xoojin lahaa nabada iyo in meel looga soo wada jeesto Qadiyada iyo madax banaanida Somaliland. iyo sidii loo dhowri lahaa loona taabo galin lahaa heshiiskii dhawaan lawada saxeexday dhawaan.

Wasiir sacad cali shire ayaa uga mahad naqay wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed afurkan uu gudida u sameeyay waxaana uu sheegay in afurkani ka turjumayo sida loowada taageersan yahay go’aamada ka soo baxay wada hadalkii khaatumo oo ku sheegay inuu yahay mid guul ah.

“Waxaan aad ugu mahad naqaynaa wasiirka wasaaradda hawlaha guud sida ay ku dheehan tahay sharafta iyo milgahu ee uu in oogu sameeyay afurka,waxaanu leenahay waad mahadsantahay.

Geesta kale afurkan uu wasiirka hawlaha guud u masuuliyiinta maamulka khaatumo ayaa ah mid uu ku maamuusay qaabka labada dhinacba ay u soo dhaweyeen qodobada ka soo baxay shirkii shalay lagu qabtay magaalada hargaysa.

Faysal cali Xuseen faysal cali waraabe ayaa isna dhankiisa afurkan uu wasiir cali mareexaan ku maamuusay ku sheegay”waxaan leeyahay arintan afurka ah ee maanta cali inoo sameeyay waa mid maamuus ah oo shirkeenii wakhtiga badan soo socda lagu tageerayo,nabada ka soo ifbaxdayna gobolada bariga Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Ayaa Isna Dhinaciisa Uga Mahadceliyey Wasiir Cali Xasan Maxamed Afurkan uu ku maamuusay maanta isaga iyo kooxdan uu hogaaminayo, waxaanu umahadceliyey Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Siilaanyo ee sida weyn usoo dhaweeyey.

Mudan Cali Khaliif Galaydh Wuxuu Sheegay Inay Noqonayaan Dhawaan Una Soo Diyaar Garoobayaan Shirka Dhawaan 01-07-2017 ka qabsoomi doona Magaaladda Burco insha Allah, wuxuuna bogaadiyey hanaanka dawladeed ee ka tisqaaday halkan waxaanu ku taliyey in la gaadhsiiyo meelaha Waddanka ka hadhay, wuxuuna ku dardaarmay in meel looga soo wada jeedsado cadawga aynu leenahay.

Gabad-gabadii Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa afurkan uga gonlahaa inuu ku maamuuso masuuliyiinta khaatumo oo wada hadalkoodu marayo meel gaba-gabo ah, waxaana uu ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in nabada Somaliland meel looga soo wadda jeesto.

Image may contain: 9 people, people smiling

Image may contain: 1 person

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and wedding

Image may contain: 2 people

Image may contain: 2 people

Image may contain: 1 person, smiling

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and beard

Image may contain: 5 people, people smiling
Image may contain: 1 person, beardImage may contain: 1 person, close-up and indoor

Image may contain: 1 person, close-up and indoor

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and wedding
Image may contain: 2 people